Home / Cayaaro / Inter Milan oo xaqiijisay inay wadahadallo kula jirto Achraf Hakimi

Inter Milan oo xaqiijisay inay wadahadallo kula jirto Achraf Hakimi

Himilo – Madaxa fulinta Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa sheegay in kooxda wadahadallo meel wanaagan maraya kula jirto cayaaryahanka Real Madrid Achraf Hakimi.

21 jirka ayaa labadii xilli cayaareed ee ugu danbeeyay ku qaatay Borussia Dortmund oo uu ammaah ku joogo.

Dortmund ayaa aqbashay inay ku guuldareysatay dadaalkii ay ku dooneyso inay ku kordhiso heshiiska ammaahda laacibka.

Si kasta, warbixinnada soo baxaya toddobaadkan ayaa muujinaya in Inter dooneyso cayaaryahanka reer Morocco oo ay ku dooneyso adduun dhan £36m.

Dortmund ayaa ku beddalaysa Hakimi Thomas Meunier oo ay kala soo wareegtay kooxda Paris Saint-Germain.

About Mahad Mohamed

2 comments

  1. Acute bronchospasm has been observed with Afrezza in patients coq10 and blood sugar levels with asthma and COPD tadalista vs cialis

  2. Overall, these data show that TSLP secretion by bulge HF SCs and mutant basal keratinocytes stimulates neighboring epidermal cells to hyper proliferate, activate p STAT5 and induce expression of VEGFО± and IL 6, contributing to the initiation of epidermal hyperplasia and the maintenance of chronic skin inflammation observed in psoriasis lesions want to buy priligy in pakistan To say the least, I don t think the ldex did anything for me at all

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan