Inter oo buuggeeda ku dhigatay xiddigaha Kolarov, Vidal iyo Darmian

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Inter Milan ayaa caafimaadka marsiineysa maalmaha soo aadan  Aleksandar Kolarov oo ka imaanaay Roma, Arturo Vidal oo Barcelona ah iyo  Matteo Darmian oo isaguna ka imaanaya Parma.

Nerazzurri ayaa suuqa qiimo hoose ku bixineysa suuqa kala gadashada fasalkan,kaddib markii €40m oo ku qarash gareeyeen Achraf Hakimi oo kaga imaaday naadiga Real Madrid.

Sida ay werineyso Corriere dello Sport, Kolarov waa xiddiga ugu horreeya ee kooxda caafimaadka u mari doona Talaadada soo aadan, markii ay heshiis la galeen Roma.

Vidal ayaa la werineyaa in heshiiskiisa Barcelona uu idlaanayo, waxaana loo sheegay in uu kooxda ka hayaamo, maadaama uusan kamid aheyn shaxda tababaraha cusub ee Ronald Koeman.

Parma ayaa iyaduna xaqiijisay in laacibkooda Darmian uu kusii jeedo San Siro.

Dhammaan seddexdan ciyaaryahan ayaa la rajeynayaa in ay Inter u maraan caafimaadka isbuuca soo aadan.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan