Home / Cayaaro / Inter oo buuggeeda ku dhigatay xiddigaha Kolarov, Vidal iyo Darmian

Inter oo buuggeeda ku dhigatay xiddigaha Kolarov, Vidal iyo Darmian

Himilo ­­­­­­­­­­­­­­­­­– Inter Milan ayaa caafimaadka marsiineysa maalmaha soo aadan  Aleksandar Kolarov oo ka imaanaay Roma, Arturo Vidal oo Barcelona ah iyo  Matteo Darmian oo isaguna ka imaanaya Parma.

Nerazzurri ayaa suuqa qiimo hoose ku bixineysa suuqa kala gadashada fasalkan,kaddib markii €40m oo ku qarash gareeyeen Achraf Hakimi oo kaga imaaday naadiga Real Madrid.

Sida ay werineyso Corriere dello Sport, Kolarov waa xiddiga ugu horreeya ee kooxda caafimaadka u mari doona Talaadada soo aadan, markii ay heshiis la galeen Roma.

Vidal ayaa la werineyaa in heshiiskiisa Barcelona uu idlaanayo, waxaana loo sheegay in uu kooxda ka hayaamo, maadaama uusan kamid aheyn shaxda tababaraha cusub ee Ronald Koeman.

Parma ayaa iyaduna xaqiijisay in laacibkooda Darmian uu kusii jeedo San Siro.

Dhammaan seddexdan ciyaaryahan ayaa la rajeynayaa in ay Inter u maraan caafimaadka isbuuca soo aadan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan