Himilo – Lorenzo Insigne ayaa u muuqda mid ka fog inuu heshiis cusub la gaaro Napoli waxaana agaasimaha Inter Beppe Marotta la sheegay inuu diyaariyay dalab uu ku jiro Alexis Sanchez.
Wararka xanta ah ee ka bixitaanka Partenopei ayaa sii xoogeysanaya Il Corriere dello Sport ayaana warineysa in agaasimaha Inter Marotta uu diyaarinayo dalab ku kacaya 15m oo lagu daray weeraryahanka reer Chile.
Sanchez ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo MLS toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo Inter ay dooneyso inay ka takhalusto mushaarkiisa, taasoo caqabad ku noqon karta Napoli.
Wargeysku wuxuu sheegayaa in Marotta uu u diyaariyay Insigne heshiis ku kacaya €6m xilli ciyaareedkii, laakiin sidoo kale wuxuu go’aansan karaa inuu sugo illaa Janaayo, markaasoo uu laacibku xor u yahay inuu kala hadlo kooxaha kale.
Wargeysku wuxuu rumeysan yahay in Aurelio De Laurentiis uu weydiisanayo € 30m si ay u kala tagaan kabtanka Azzurri iyadoo Napoli aysan xiiseen Sanchez, gaar ahaan mushaarkiisa oo ah € 7m sanadkii.
Heshiiska Insigne ee Napoli wuxuu dhacayaa Juen 2022, mustaqbalkiisuna waa mid aan la hubin, laakiin Partenopei ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay mar hore iibiso xagaagan si looga fogaado in ciyaaryahanka beeca xorta ah lagu waayo sannadka dambe.
Inter, sida warbixinta lagu sheegay, waxay diyaar u tahay inay Insigne ku tijaabiso inuu sugo illaa Janaayo oo uu saxiixo heshiis ku kacaya €7m.