Himilo – Shiradda Microsoft, ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqday in la joojiyay isticmaalka barnaamijkeeda Internet Explorer ee isticmaalayaasha Kombuyuutarka u fududeeya inay ku xirmaan Internetka, kaddib muddo 27-sano ah oo uu shaqeynayay.
Barnaamijkan waxa uu ku biirayaa Taleefannada BlackBerry, kuwaasi oo waagoodii ahaa kuwa loogu isticmaalka badnaa.
Hadalka Microsoft ma ahan mid lala fajaco oo sanad kahor ayey sheegtay in marka la gaaro 15-ka Juun 2022 la joojinayo Internet Explorer, si istcimaalayaashiisa ay ugu wareegaan browser-ka kale Edge oo ay leedahay isla shirkadda, balse qorshahan lama hubo inay ku guuleysan doonto.
Internet Explorer, waxa markiisii ugu horreeyay suuqa lagu soo fasaxay 1995-kii, waqtigaasi waxaa ay dadku adeegsan jireen Netscape Navigator. Shan sano kaddib waxa uu qabsaday 90% suuqa Browser-ka caalamka, balse wixii ka danbeeyay sanadkii 2000-kii dadka isticmaala waxey billaabeen inay ka cawdaan, iyaga oo leh wuu gaabinayaa una nugul qolyaha xogta xada.
2008-dii, markii uu suuqa soo galay barnaamijka ay leedahay Google ee Chrome, inta badan dadku waxey u weecdeen adeegsigiisa, waxaana uu noqday Internet Explorer saamigiisa suuqa mid hoos u dhaco illaa heer uu gaaro 4%.
Maanta suuqyada Browser-ka Calamaka waxaa heysta Chrome oo ka ah 65%, waxaa ku xiga Safari oo leedahay shirkadda Apple oo 19%, halka kuwa Microsoft sida Edge ay ka haystaan 4% oo kaliya.