Home / Macluumaad / Ireland oo ido u shaqaaleysiiyay soo helidda xabaalo qadiimi ah

Ireland oo ido u shaqaaleysiiyay soo helidda xabaalo qadiimi ah

Himilo – Xabaalo qadiimi ah ayaa laga helay gobolka Cork oo dhacda galbeedka Ireland kadib markii la shaqaaleysiiyay ido loogu tala galay inay helaan xabaalo qadiimi ah.

Soo helidda halka ay ku yaalaan quruubaraha qadiimiga ah uma fududa dalalka. Waa hawl u baahan wakhti, cilmi baaris, iyo dhaqaale.

Dawladuhu waxay shaqaaleysiiyaan khubaro iyadoo la diyaariyo agabyo kala duwan oo hawsha lagu qabanayo, Balse shaqadan Ireland waxay ku aamintay ido.

Idaha la shaqaaleysiiyay, waxaa la daajiyay degaan caws badan kaas lagu tuhmayay xabaalada qadiimiga ah. Markii ay daaqeen waxaa bannaanaaday dhul uu horey u qariyay cawska.

Waxaa lagu guuleystay in la helo xabaasha gabar labo jir aheyd oo la aasay 7 October 1872. Dadka aqoonta u leh aasaarta qadiimiga ah ayaa qaba in idaha ay yihiin awood looga faa’iideysan karo helidda asaarta.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan