Home / Habka-Nolosha / “Isagu waxa uu had iyo jeer abuuraa fursad uu ugu guuleysanayo Ballon d’Or.” Shevchenko oo sidaa yiri

“Isagu waxa uu had iyo jeer abuuraa fursad uu ugu guuleysanayo Ballon d’Or.” Shevchenko oo sidaa yiri

Muqdisho – Sida lagu soo waramayo laacibkii hore ee kooxda Chelsea weerarka kaga ciyaari jirey Andriy Shevchenko ayaa aaminsan  in laacibka  Chelsea, Eden Hazard, uu  Luka Modric iyo  Cristiano Ronaldo ku garaaci karo abaal marinta  Ballon d’Or.

Belgiankan ayaa xilli ciyaareedkaan  ku socda si aan caadi aheyn,waxa uu dhaliyey siddeed gool 10-kiisa kulan ee ugu horreeyay oo uu ciyaaray. Hazard ayaa si xooggan lala xiriirinayey kooxda Real Madrid, xagaagan kuwaasi oo doynaya in ay ku bedelaan jookarka Portugal Ronaldo.

Hase yeeshe, suura gal ma ahan in uu dhaqaaqo laacibkaan, xirfadlahaan ayaa waayo qurux badan ku qaadanaya  Stamford Bridge, halkaas oo uu wakhti kula qaadanyo tababaraha  cusub ee kooxda Maurizio Sarri. Hazard ayey u badan tahay  in uu yahay wakhtigiisii ugu danbeeyay ee kooxda  inkastoo ay soo jiitamayaan bilihii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Shevchenko aya rumeysan  haddii uu isagu goolal dhaliyo kulan kasta ay sarre u qaadi karto xirfaddiisa ciyaared taasina ay ugu danbeyn saamixi karto in uu wax badan ku guuleysto.

Maxay had iyo jeer weeraryahanadu u helaan abaal marinta shaqsiga? ayuu weydiiyey Goal.com.

“Sababtoo ah waxay mas’uul ka yihiin, dhameystirka weerarka.

“Dadku waxay jecel yihiin in ay arkaan goolasha la dhalinayo.“Hazard waa mid  cajiib ah,waa laacib dhameytiran.

“Xilli ciyaaredkaan isagu waxa uu dhaliyey sideed gool, sidaas darteed isagu wado wacan ayuu ku socdaa, ayuu warkiisa sii raacsaday.

“Isagu waxa uu had iyo jeer abuuraa fursad oo uu ugu guuleysanyo Ballon d’Or.”

Hazard ayaa rajeynaya in uu bandhig sare ka muujiyo ciyaarta isbuuca xiga ay la leeyihiin kooxda Manchester United horyaalka Premeir league.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan