Home / Arrimaha Bulshada / Isbeddelka cimilada iyo saamayntiisa Soomaaliya

Isbeddelka cimilada iyo saamayntiisa Soomaaliya

Himilo – Afar xilli roobaad oo xiriir Soomaaliya kama aysan di’in roobab mug leh sida ay sheegeen ha’yadaha ka shaqeeyama arrimaha deegaanka iyo cimilada.

Isbeddelka cimilada ayaa arrintan loo aaneynayaa, iyadoo saameynta isbeddelkan ay gaartay waddamo kala duwan haddana Soomaaliya waxay ku jirtaa kuwa ugu darani, iyadoo Dalka ay ka jiraan duruufo gaar ah.

Marka dib loo milicsado sooyaalka abaaraha ee Soomaaliya midda hadda waxaa loo arkaa middii ugu xumeyd muddo afartan sano ah. kala bar bulshada Soomaaliyeed waxay u saameysay si toos ah iyadoo ay jiraan kumanaan ay u taabatay si dadban.

Tiradii ugu badneyn oo ku dhaw 3 milyan ayaa sanadkan oo keliya barakacday. Qoysas badan waxay carruurtooda u la’yihiin cunno ay siiyaan, halka boqollaal kale ay noqdeen cayr fara maran oo ku dhiban xeryo barakaca.

Africa sanadkan waxay marti gelisay shirkada isbeddelka cimilada oo lagu qabtay dalka Masar. Soomaaliya waxaa uga qeyb galay wafdi ka socday wasaaradaha dawladda  iyo xubno ka socday urrurada ra’yidka.

Balse filashadii Africa oo aheyd in la siiiyo tix-gelin gooni ah uma dhicin sidii lagu waday. Balse dawladaha warshadaha waa weyn leh ee shirka ka qeyb galay waxay ballan-qaadeen inay taageero u muujin doonaan dalal dunida saddexaad.

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan