Home / Caafimaad / Isbitaal bukaanadiisa bisha Ramadaan baraya Qur’aanka Kariimka

Isbitaal bukaanadiisa bisha Ramadaan baraya Qur’aanka Kariimka

Himilo – Isbitaalka Sabuncoglu Sharif El-Din, oo xiriir la leh Jaamacadda Amasya ee Turkiga, ayaa dadka bukaanka ah ee ku jira baraya Qur’aanka kariimka inta lagu gudo jiro bisha barakeysan.

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya bukaanada oo marka hore baranaya xarfaha Carabiga, kaddibna akhrinaya aayado gaagaaban oo kamid ah Qur’aanka Kariimka, iyagoo ka faa’ideysanaya waqtiga ay ku qaadanayaan gudaha isbitaalka.

Cumar Zeytin oo ka mid ah bukaannada lagu daweynayo isbitaalka ayaa u sheegay wargeyska Yeniakit ee ka soo baxa dalka Turkiga “waxaan halkaan jiifnay muddo afar saacadood ah, annagoo aan waxba qabaneyn intii ay daaweyntu socotay, waxaan rabaa in aan akhriyo dhammaan Qur’aanka kariimka”.

Sidoo kale saaxiibkiis Osman Ozdemir ayaa ku daray “Alxamdulilaah, waxaan nahay Muslimiin, miyaynaan doonayn inaan Qur’aanka akhrino oo aan xifdinno, Ilaahay ha ka raalli noqdee kuwii bishan inoo bilaabay Kheyrkan”.

Dhankiisa, Omer Jaiji oo ah mas’uulka isbitaalkan howshan gacanta ku haya ayaa yiri, “Tababarkan aan u bilownay bukaannadeenna caafimaad doonka ah, waxay u diraysaa farriin ah inay qur’aanka akhrin karaan waqti kasta iyo xaalad kasta.”

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan