Home / Caafimaad / Isbitaal ku yaalla Bangladesh oo loo doortay dhismaha ugu fiican dunida

Isbitaal ku yaalla Bangladesh oo loo doortay dhismaha ugu fiican dunida

Himilo – Isbitaal ku yaala degaan fog oo Bangladesh kamid ah ayaa loo magacaabay dhismaha dunida ugu fiican kadib qiimeyn uu ku sameeyey Machadka RIBA ee laga leeyahay dalka Britain.

Isbitaalkan deegaan la-jaalka ah waxaa laga dhisay degmada Satkhira ee koofur galbeed dalka Bangladesh oo ah gobol inta badan ay ka dhashaan fatahaadaha iyo dabeylo xooggan.

Wuxuu leeyahay 80-sariirood oo bukaannada la jiifiyo. Waxa cajiibka ah ee dhismihiisa ku saabsan waa in lagu taagay bulukeetiyo dadka degaanku sanceeyeen.

“Waxaynu shaqaaleysiinay dhammaanba agabyada iyo awoodda xirfad ahaaneed ee dadka degaanka si loo hantiyo kalsoonida dadku ku qabi karaan isbitaalka oo ay daawana usoo raadsan karaan,” Kashef Chowdary oo ah helaha mashruuca ayaa u sheegay al-Jazeera.

Kanaal ama marin loogu tala-galay in lagu kala sooco bukaa-jiifka iyo bukaan socotada ayaa loo dhisay qaab qurux badan.

Geedo cagaaran, dhir qurxoon, barkado, aseendooyin, iyo goobo kale oo ilqabad leh oo loogu tala-galay in bukaanka aragti ahaan ku xasilo ayaa ku yaalla.

Si guud waxaa isbitaalka loogu qaabeeyey hab dadka degaanku aqbali karaan oo deymada koowaadba muujinaya inuu yahay astaan iyag u taagan.

Wax walba oo dhismaha isbitaalka loo adeegsaday waa dabiici laga heli karo wax-soo-saarka degaanka. Marka lala barbardhigo xarumaha kale ee danta guudna, wuxuu helay darajada A Classic.

 

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan