Home / Macluumaad / Iskuul mamnuucay mindiyada iyo fargeetada kadib dhibaatooyin ka dhashay

Iskuul mamnuucay mindiyada iyo fargeetada kadib dhibaatooyin ka dhashay

Muqdisho – Iskuul ku yaalla Pennsylvania ee dalka Maraykanka ayaa mamnuucay isticmaalka fargeetooyinka iyo mindiyada kadib markii booliska loogu yeeray dhacdooyin dhowr ah oo ku saabsan arday is-mindiyaysay.

Maamulaha dugsiga  Sto-Rox High School ayaa sheegay in mindiyada iyo fargeetada laga mamnuucayo iyada oo loo eegayo dhibaatooyin ka dhashay adeegsidooda.

Ardayda ayaa si ku tala-gal ah u adeegsaday mindiyada iyo fargeetada iyaga isku weerara markay is-dagaalayaan. Sidoo kale xilliga bareegga, waxaa laga mamnuucay musqulaha maadaama ay daroogo ku dhex cabaan.

Laakiin waalidiinta iyo ardayda ayaa ka cawday mamnuucista -iyaga oo ku tilmaamay xagjirnimo, hayeeshe saraakiisha booliska iyo dugsiga ayaa ku adkeystay in tallaabooyinkani ay muhiim u yihiin badbaadada carruurta.

Toddobaadyadii dhawaa, arday badan ayaa loola cararay isbitaalka kadib markii lagu toorreeyey mindi iyo fargeeto. Saraakiisha ayaa si kastaba ardayda faray inay gacmahooda ku cunaan cuntada.

Saraakiishu way laali doonaa mamnuucista markay ardaydu bartaan maareynta iyo xakameynta naftooda una dhaqmaan sida habboon akhlaaq ahaan.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan