Himilo – Dugsiyada bixiya waxbarashada aas-aasiga ah ee ku yaalla dalka ayaa maanta dib u furmay kaddib muddo ku dhaw laba billood oo ay ku jireen ardaydu fasaxii sanad dugisyeedka. Waxaa billowday waxbarashadii sanad dugsiyeedka cusub ee 2022/23.
Ardayda qeybtood ayaa u gudbay marxalad cusub sida dugsiga dhexe iyo midka sare halka qaarkoodna ay fasalo isaga kala gudbeen. Marxaladda dugsiga sare oo ah mid ka adag middii hore waxa uu ardaygu qaataa maadooyin ka badan kuwii hore oo mararka qaar gaara illaa 11 maado hadba waxey ku xiran tahay dugsiga uu dhiganayo.
Maadaama ay tahay marxalad ku cusub ardayga waxaa hubaal ah inuu u baahan yahay dadaal is biirsaday oo ka billawda isaga qudhiisa, barihiisa, maamulka dugsiga illaa waalidiinta.
Kasokow in waxabarashadu tahay guud ahaan mid adag, haddana waa waddo ay mareen arday la mid ah kuwa maanta uun billaabaya iyo kuwa heer dhexaadka ah amaba gababada ku dhaw, taasi oo ka dhigeysaa wado maristeedu keliya u baahan tahay dedaal badan oo wada jir ah.
Qaar ka mid ah ardaydaasi fasalada xaariday sanad-dugsiyeedkan cusub oo aan wax ka weydiinay sida ay u arkaan tacliinta dib ugu billaabatay ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin inay waxbarashada isla markaana ay ku dedaali doonaa sidii ay ugu guuleysan lahaayeen hayaankooda cilmi kasbashada.