Islaan 82-jirta iyo wiil 28-jir ah oo is guursaday jaceyl kadib

Muqdisho – Waxay yiraahdeen jaceylku malahan xad iyo soohdin. Maya yaqaan caddaan iyo madow. Mana qoro sabool iyo tanaad. Balse sheekada cajiibka leh ee ku saabsan sida 28-jir Induniisiya u dhashay uu jaceyl ula wadaagay haweeney ka da’weyn 54-sanadood markii ay si kama’ ah ugu kulmeen qadka tilifoonka dabadeedna ku heshiiyeen inay is guursadaan – tiiyoo laba reerood aysan la dhicin xiriirkaas – waxay muujinaysaa in jaceylku wali indha la’yahay.

Ku dhawaad sanad kahor, Sofian Loho Dandel, oo ah 28-jir ka xoojiya baqaarrada shirkad wax-soo-saar oo ku taalla jaziiradda Mantehage ee Induniisiya ayaa wicitaan ka helay nambar uusan garaneyn.

Kajawaabista wicitaanka, wuxuu garowsaday in qofka soo wacay uu si qalad ah ugu soo dhacay tilifoonkiisa isaga oo qof kale wacan rabay.

Halkii ay kala dhamaan lahaayeen – in yar kadib markii ay kala garteen inay isku soo qaldameen – labaduba waxay bilaabeen sheeko dabacsan iyo haasaawe furan oo ugu danbeyn sahashay inay si fiican isku bartaan.

In yar kadib, midkood miyaaba filayay inay ku taagan yihiin waddadii ku geyn lahayd mustaqbalka noloshooda?!

“Sanadkii hore, waxaan isoo wacay nambar aan garaneyn. Waan ka jawaabay waxaana timid inaan is-barano,” Sofian ayaa dhawaan u sheegay warbaahinta Induniisiya.

“Tani iyo markaasna, waxaan ku socnay inaan si fiican u wada xiriirno – ogaal la’aanta da’eeda. Waligay haween ma xodxodan mana shukaansan. Hayeeshe markii aan la kulmay waxaa i galiyay kalgacal iyo jaceyl aan u qaaday gabadhan 82-jirta ah,” ayuu sii raaciyay isaga oo muudsoonaya.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

 

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan