Muqdisho – Waxay yiraahdeen jaceylku malahan xad iyo soohdin. Maya yaqaan caddaan iyo madow. Mana qoro sabool iyo tanaad. Balse sheekada cajiibka leh ee ku saabsan sida 28-jir Induniisiya u dhashay uu jaceyl ula wadaagay haweeney ka da’weyn 54-sanadood markii ay si kama’ ah ugu kulmeen qadka tilifoonka dabadeedna ku heshiiyeen inay is guursadaan – tiiyoo laba reerood aysan la dhicin xiriirkaas – waxay muujinaysaa in jaceylku wali indha la’yahay.
Ku dhawaad sanad kahor, Sofian Loho Dandel, oo ah 28-jir ka xoojiya baqaarrada shirkad wax-soo-saar oo ku taalla jaziiradda Mantehage ee Induniisiya ayaa wicitaan ka helay nambar uusan garaneyn.
Kajawaabista wicitaanka, wuxuu garowsaday in qofka soo wacay uu si qalad ah ugu soo dhacay tilifoonkiisa isaga oo qof kale wacan rabay.
Halkii ay kala dhamaan lahaayeen – in yar kadib markii ay kala garteen inay isku soo qaldameen – labaduba waxay bilaabeen sheeko dabacsan iyo haasaawe furan oo ugu danbeyn sahashay inay si fiican isku bartaan.
In yar kadib, midkood miyaaba filayay inay ku taagan yihiin waddadii ku geyn lahayd mustaqbalka noloshooda?!
“Sanadkii hore, waxaan isoo wacay nambar aan garaneyn. Waan ka jawaabay waxaana timid inaan is-barano,” Sofian ayaa dhawaan u sheegay warbaahinta Induniisiya.
“Tani iyo markaasna, waxaan ku socnay inaan si fiican u wada xiriirno – ogaal la’aanta da’eeda. Waligay haween ma xodxodan mana shukaansan. Hayeeshe markii aan la kulmay waxaa i galiyay kalgacal iyo jaceyl aan u qaaday gabadhan 82-jirta ah,” ayuu sii raaciyay isaga oo muudsoonaya.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.