Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu dilay weerarada Israa’iil ee gobolka Bekaa ee Bariga Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.
Laba carruur ah ayaa ka mid ah dadka la dilay weeraradaas, iyadoo 12 goobood oo ku yaalla gobolka Baalbek, ay weeraradu ka dhaceen sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Lubnaan.
58 qof ayaa sidoo kale la dhaawacay, wasaaradda caafimadaka ayaa intaas ku dartay in dadaallada samatabbixinta ay weli socdaan. Goobaha weeraradu ka dhaceen ayaa ah meelo ay ku xooganyihiin ururka Xisbullaah.
Ciidanka Israa’iil weli wax faah-faahin ah kama bixin weerarada.
Iraa’iil ayaa qaadday kumanaan duqayn hawada ah oo ka dhan ah Lubnaan shantii toddobaad ee la soo dhaafay, iyadoo bartilmaameedsatay wax ay ku sheegtay inay yihiin xaruumaha Xisbullaah, kaabayaasha iyo goobaha hubka.
Guddoomiyaha Baalbek, Bachie Khodr, ayaa ku tilmaamay weerarada “kuwa ugu darnaa” ee gobolka tan iyo markii Israa’iil ay bilowdeen isku dhacyada Xisbullaah iyo Israa’iil.