Himilo – Nadaamka waxbarasho ee soomaaliya ayaa meel sare gaaray meel fiican xilligii dawladii kacaanka balse bur-burkii dalka ka dhacay ayaa saameyn wayn u geystay horumarkii ku socday laamaha tacliinta.
Xubno ka mid ah bulshada oo is xilqaamay ayaa mar kale xiddidada u qotomiyay iskuullo hoose dhexe ah, dedaalkaas ayaa dhalay in la helo iskuullo sare iyo jaamacaddo ku billowday si tartartiib ah oo markii dambe bullaalay.
Waxaa jira tuulooyin aysan waxbarasho uga tisqaadin sidii la rabay balse ugu yaraan maanta magaalooyinka waa weyn waxaa laga heli karaa iskuullo iyo jaamacaddo ay wax ka baran karaan ardayda Soomaaliyeed.
Balse waxaa jira waxyaabo geeddi-socodka waxarashada dhibaato ku ah oo la diiwaan geliyay. Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay waxaa soo kordhayay ardayda isticmaalla noocyo ka mid ah tubaakada Sida Taaabuugga.
Natiijada ka dhalatay ayaa noqotay arday badan oo ka haraya hayaanka waxbarashada loogu jiro, bandhigga ardayda oo hoos u dhaca sida dhibcaha ay keenaan marka laga qaado imxaanada sanadlaha ama bilaha ah.
Saameyta ka dhalatay adeegsiga tubaakada ayaa gaartay guryo badan. Waalidiin badan ayaa carruurtooda uga maaro waayay Noocyada kala duwan ee daroogada.
Waxaa timid inay boqollaal arday u badan ay ka qabatimaan ugu yaraan nooc maandooriye ah. Tani waxay horseeday mushkiladdo waa weyn sida inay ubaxii dalka ka weecdaan waddamada tacliinta.
Mushkiladda ciyaal weerada oo sanadihii dambe dhankeeda soo kordhayay, waxaa qeyb ka ah arday waxbarashada ka haray oo ay jiiteen kooxaha degmooyinka gobolka ka dhisan.
Shaqsiyaad ayaa billaabay inay dadka ka baraarujiyaan khatarta ka imaan karta tukaabada haddii aan wax laga qaban.