Himilo – Dhaqaalaha iyo maaliyadda ku dhisan nidaamka islaamiga ah, wuxuu qarniga 21aad dunida ka noqonayaa doorashada iyo xulka koowaad. Waxaa Bankiyada Islaamka ahi ku jiraan kuwa loogu doonis badan yahay adeegsigooda caalamka oo dhan.
Maanta waxey bankiyadu qaabka Islaamiga ah ku shaqeeya ku fadhiyaan adduun dhan $2-trillion waxaan la filayaa inay gaarto $3.2 trillion sannadka 2023-ka.
Aqoonsashada baahida baaxadda leh ee loo qabo adeegsiga iyo barashada culuumta la xiriirta maalgashiga iyo bangiyada Islaamiga ah, waxa ay ku xanbaartay mid ka mid ah jaamacadaha UK ugu horreeya inay soo kordhiso laanta bankiyada Islaamka iyo Maal-gashiga.
Ardayda jaamacadda Birmingham City, ayaa hadda kaddib xaadiri kara fasallada lagu bixinayo cilmiga shareecada ee la xiriira bankiyada iyo maal-gashiga, waxaana qorshuhu yahay in fursadaha ku jira cilmiga dhaqaalaha Islaamiga looga faa’iideeyo bulsshada UK.
Shaista Mukadam oo hormuud ka ah kulliyaddan ayaa The Business Desk u sheegya in soo biirinta waaxdan ay kusoo beegmeyso waqti aad loogu baahi badan yahay. In ka badan 20 banki oo ku yaala UK ayaa bixiya adeegyo banki oo Islaami ah, waxaana la rumeysan yahay in 80% dadka macmiilka ka ah aanay ahayn Muslimiin.