Home / Habka-Nolosha / Jack Wilshere oo ka walaacsan mustaqbalkiisa Arsenal

Jack Wilshere oo ka walaacsan mustaqbalkiisa Arsenal

England – Kubad qaabeeyaha sida amaahda ugu jooga kooxda Bournemouth ayaa ka walwalsan mustaqbalkiisa kooxda Arsenal.

Macalin Wenger ayaa wali laga dhursugayaa inuu ballaariyo heshiiska laacibkan oo taageerayaashu ku hal-adag yihiin inuu sii joogo gegida Emirates ee kooxda Gunners.

Haddii Arsenal ku dhacdo inay toddobaadyada soo socda heshiis kaga saxiixin Wilshere, waxaa ku qasbanaan doonta inay xagaaga danbe lacag kaga soo iibsado suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Heshiiska Jack Wilshere oo amaah ugu jooga kooxda Bournemouth ayaa ku eg sanadka 2018 – Arsenal ayaanan awoodin inay heshiiskiisa wayso – si uusan u noqon dalab xor ah.

Wishere oo 25 jirsanaya bisha cusub ee sanadka 2017, wuxuu boos joogto ah ka helay naadiga Bournemouth taas oo ka saaciday in dib looga baahdo xulka qaranka England.

Hayeeshe majirin wax dhaqaaq ah oo ku saabsan heshiiskiisa taas oo laacibkan galisay hubaal la’aan mustaqbalkiisa kooxda faca weyn ee Arsenal.

Wilshere ayaa mar kasta carab ku adkeeya inuu jecel yahay kooxda Arsenal. Waxayna u ahayd go’aan qaraar markii uu amaahda uga dhaqaaqay xagaagii hore.

Mise dhacayso heshiis la’aan inuu noqdo marka uu suuqa furmo haddii ay Arsenal xejin wayso joogitaankiisa Emirates.

Xittaa kooxda uu hadda amaahda ugu joogo ee Bournemouth ayaa ku niyad weyn inuu heshiis ballaaran u saxiixo.

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan