Home / Habka-Nolosha / Jack Wilshere oo sheegay sababtii ka dambeysay ku biiristiisii Bournemouth

Jack Wilshere oo sheegay sababtii ka dambeysay ku biiristiisii Bournemouth

Sida lasoo warinayo Jack Wilshere ayaa qaatay talada kabtankii hore qaranka England David Beckham ka hor inta uusan si amaah ah ugu biirin Bournemouth maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan.

David ayaa gambaleelka u yeeriyay Jack isla markaana u sheegay inuu ka doorto Bournemouth kooxaha kale ee xiiseynayay sida: Roma, Crystal Palace iyo Ac Milan.

Jack ayaana si fiican u dhageystay talada halyeyga qaranka England kaas oo kusoo wareegay horyaalada kubadda cagta dunida madama uu ciyaaray Man United, Real Madrid, Ac Milan, Paris Saint Germain iyo LA Galaxy.

Sporsmail ayaa sheegeysa in Roma ay heshiis la gaartay Arsenal iyadoo la meel dhigtay wax walba oo ku saabsan Jack Wilshere balse isagu uu la yimid go’aankaan u gaarka ah, Bournemouth ayaana bixisay 3 Malyan oo lagu qiimeeyay amaahdiisa iyo dhamaan mushaarka xidigaan oo dhan 80,000 kun isbuucii.

Dhanka kale saaxiibka David Beckham ahna halyeyga United iyo England Paul Scholes ayaa qaba fikir ka duwan in Jack uu kusii nagaado EPL-ka, wuxuuna jeclaan lahaa inuu go’ansado ku biiridda As Roma si uu dibadda uga soo helo qibrad fiican.

“Waxey u ahaan laheyd wax weyn isaga iyo sidoo kale qaranka England. Balse dhibka ugu weyn ee Jack waa inusan heli doonin kulamo ku filan. iyo hadii uu kooxdiisa la gali doono dagaalka ay ugu jirto iney ka harto heerka koowaad”

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan