Himilo – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Everton James Rodriguez ayaa raaci karo Carlo Ancelotti oo dib ugu laaban doona Real Madrid xagaagan.
Ancelotti ayaa dib ugu biiray Los Blancos horraantii bishaan ka dib markii uu ka tagay shaqadiisa Goodison Park, mustaqbalkana qaar ka mid ah hantida ugu qaalisan ee Everton ayaa tan iyo markaas shaki la geliyay.
Tababaraha reer Talyaani ayaa doonaya inuu dib ula midoobo Richarlison caasimada Spain, halka warbixin dhawaan soo baxday sidoo kale lala xiriiriyay Dominic Calvert-Lewin inuu u wareegayo Bernabeu.
Haatan, saxafiga Gol Caracol Javier Hernandez Bonnet ayaa sheeganaya in Ancelotti uu markale doonayo inuu kula midoobo Rodriguez kooxda Real Madrid xagaagan, iyadoo ciyaaryahanka reer Colombia uu dhaliyay 37 gool isla markaana caawiyay 42 kale 125 kulan oo uu saftay mudadii ugu horreysay ee uu kooxda joogay.
Rodriguez ayaa si deg deg ah wacdaro uga dhigay Premier League xilli ciyaareedkii hore, inkasta oo uu dhaawacyo qaar qabay tan iyo bilowgii sanadka, wuxuu ku guuleystay inuu ololaha ku dhammeysto lix gool iyo shan caawin 23 kulan oo uu saftay.
Ciyaaryahankii hore ee Monaco kaliya 12bilood oo kale ayaa ka hartay qandaraaskiisa Everton, waxaana loo maleynayaa inuu ku farxi lahaa inuu aqbalo mushahar dhimis si uu ugu laabto Real.