Home / Habka-Nolosha / Jamie Vardy oo dabaal degga horyaalka isla soo sawiray taageere u eg

Jamie Vardy oo dabaal degga horyaalka isla soo sawiray taageere u eg

Leicester City weeraryahankeeda Jamie Vardy ayaa la kulmay taageere isaga u eg inta uu u dabaal degayay hanashada horyaalka Ingiriiska oo kooxdiisu ay hanatay.

Lee Chapman waa 29 jir taageere u ah kooxda Leicester City, haddii aad aragto waxaad aamineysaa inuusan isaga ku horjoogin oo aad eegeyso weeraryahanka ugu goolasha badan Leicester Jamie Vardy.

Chapman waxaa lagu casuumay dabaal dega cayaartoyda Leicester oo ay u aheyd guushoodii Premier League ee u horeysay tan iyo markii kooxdaa la aas-aasay 132 sano kahor.

Cayaartoyda kooxda ayaa isugu yimid maqaayadda Thai oo ay qado kula yeesheen  milkiilayaasha kooxda, qado sharafta horteedse waxay la kulmeen taageere aan laga aqoon geesigooda Jamie Vardy.

Vardy oo ah cayaaryahanka keliya oo Premier League 11 kulan oo xiriir ah goolal ka dhaliyay ayaana mareegtiisa Twitter soo dhigay isaga iyo taageeraha u eg oo wadajir cayaartoyda koox wadaaga ay yihiin ula jooga.

ChiKLcJWYAAZ_vf

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan