Home / Caafimaad / Japan oo dagaalka Covid-19 u adeegsaneysa gafuur xir qiimihiisu yahay $9600

Japan oo dagaalka Covid-19 u adeegsaneysa gafuur xir qiimihiisu yahay $9600

Himilo – Shirkadda Cox Co ee laga leeyahay Japan, ayaa billawday inay iibiso gafuur xir gacan ku sameys ah, kaas oo midkiiba qiimihiisu yahay hal milyan oo Yen oo u dhiganta $9640.

Waxaa sameyntiisa loo adeegsaday 0.7 carat oo diamond ah, 330 oo luul ah iyo dhagxaan kale oo qiima sareeya.

“Qof waliba wuxuu la niyad jabsan yahay coronavirus xaaladu intaasi way ka wanaagsanaan lahayd haddii ay soo eegaan waji xirkan dhalaalaya” Azusa Kajitaka oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda Cox Co, ayaa sidaasi u sheegtay Reuters.

Wax soo saarkan ayey dowladda Japan u aragtaa mid ku dhiiri galinaya shacabka iney xirtaan gafuur xir si loo yareeyo khatarka Covid-19, balse dadka qeyb ka mid ah ayaa u arka mid qiimihiisa aanan la goyn karin.

Waxaa ka mida Mitsue Kaneko oo 66-jir ah waxa uu rumeysan haddii uu iibsado gafuur xirkaasi joogo milyanka Yen (lacagta Japan), ay qasab tahay inuu ku xirto dhar noocii u danbeeyay.

Qiimaha uu joogo af-saabka ay soo saartay Cox Co waa mid hooseeya marka loo barbardhigo mid ay soo saartay shirkad Israa’iili ah, kaasoo lagu iibiyo $1.5 milyan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan