Home / Macluumaad / Jarmalka: Nin xabsi u galay codka filim u daarnaa

Jarmalka: Nin xabsi u galay codka filim u daarnaa

Himilo – Waaxda booliska Jarmalka ayaa sheegay in  ay heleen warbixinno suura gal ka dhigaya in ay jiraan toogasho, balse markii ay tageen goobta ay wax ka dhaceen waxay arkeen nin hurdaya kaasi oo daawanayay filim action oo uu codka dheereysnaa.

Booliska North Rhine-Westphalia ee fadhigoodu yahay Cologne, waxay xaqiijiyeen helidda dhowr warbixinno horraantii subaxnnimadii Arbacada isla markaana ay soo weriyeen dadka degaanka magaalada Cologne, xogtaasi oo ku saabsaneyd codka xabbado ka yeeraya meel u dhow.

Booliska waxay sheegeen inay warbixintu aheyd dadka degaanka kuwaasi oo daaqadda gurigooda ka maqlay dhawaaqa rasaas balse waxay ahaayeen codkaa Tv daarnaa.

Masuuliyiintu ma aysan sheegin in ay jiraan toogasho, aan ahayn  codka filim action ah ee uu daawanayay 34 jir dadka degaanka kamid ah.

Booliisku waxay sheegeen in  ninka lagu xiray  xarunta booliska, balse markii danbe lasii daayay markii la baaray.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan