Home / Macluumaad / Jawaabtii Aung San Suu ee Xasuuqa Muslimiinta Rohingya oo dunida laga canbaareeyey

Jawaabtii Aung San Suu ee Xasuuqa Muslimiinta Rohingya oo dunida laga canbaareeyey

New York – Kadib toddobaadyo xiriir ah oo ay ka baaqsatay inay ka hadasho xasuuqa lagu hayo Muslimiinta Burma, Aung San Suu Kyi waxay jeedisay khudbaddii ugu horreeyey oo la isku maandhaafay – taas oo ay canbaareeyeen madaxda caalamka,

“Waxaan marar badan u sheegnay madaxda Burma inay dib ula noqdaan muwaadiniintooda ay xasuuqa kaga soo qixiyeen dhulkooda,” RW dalka Bangladesh, Sheikh Hasina ayaa kahor tiri Kal-fadhiga Guud ee QM.

Hasina waxay ku celisay baaqeeda la xiriira in dowladda Burma ay dib ula noqoto qaxootiga dhiban ee qalalaasaha uga soo cararay dhulkii ay ku dhasheen.

Waxay sheegtay in dadka Rohingyaay wajahayaan tabaalo xanuun iyo diif badan.

Khudbadda ay ka jeedisay Kal-fadhiga, San Suu waxay tiri; “Dowladdaydu marna dhaleeceyn mayso waxa ku dhacay Rohingya: mana qaadanayso mas’uuliyaddooda.”

“Waxaan micno kasta u adeegsannay sugidda naba-gelyadeenna iyo ilaalinta geyigeenna, waxaana aynu hal-beeg buuxa ka qaadanay inaynan wax yeelin rayidka,” ayay sii raacisay.

Ku dhawaad 410,000 oo qaxooti ah ayaa iska soo cararay gumaadka lagu wado, waxayna ku sugan yihiin badigood dalka Bangladesh. QM ayaku qeexday xasuuqa lagu hayo mid tusaale u ah isir-sifeynta casriga ee qarniga 21aad.

In ka badan 1,000 ayaa lagu dilay qalalaasaha taniyo markii lagu bilaabay xasuuqa.

Madaxda caalamka ayaan u kala harin canbaaraynta ay ku tuurayaan Aung San Suu, waxayna tilmaameen inaysan tani xad-gudub ku tahay xuquuqda Aadanaha iyo xaq-dhowrka tira-yarta.

Madaxda UK iyo Faransiiska ayaa si kulul ugu dhaleeceeyey Aung San inay tallaabtii loo baahnaa kaga jawaabin mas’uuliyadda ka saarnayd ilaalinta xuquuqda dadka Rohingya.

Madax-weynaha Turkiga, Dayib Erdogan ayaa sidoo kale dunida ugu yeeray inay ilaashato sumcadda insaaniga – waxna laga qabto dhibaatada murugada leh ee ka taagan Burma.

QM ayaa ku qeexday Rohingya tira-yarta loogu arxan-daraaday tira-yarta caalamka. Sanadkii 1982 waxay dowladda Burma u diiday xuquuqda muwaadinnimada waxaana loola dhaqmay sida soo galooti.

Dhismaha masaajidda iyo dugsiyada Islaamiga ayaa laga diiday dalkaas sanadkii 1962 markii ugu horreysay uu xukunkii miltariga uu talada qabsaday.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan