Home / Macluumaad / Jaziiradda Migingo – barta kalluumaysiga Harada Afrika ugu weyn ee Victoria

Jaziiradda Migingo – barta kalluumaysiga Harada Afrika ugu weyn ee Victoria

Muqdisho – Migingo oo ah Jaziirad yar oo kaabiga ku heysa Harada Victoria ee Kenya ayaa dhan cabbir ahaan 0.49 acres, hayeeshe waxay si rasmi ah guri ugu tahay 131 daganayaal ah – in kasta oo xogaha qaar ay tilmaamaan in tiradu gaareyso ku dhawaad 1,000 qofood – taas oo ka dhigan jaziiradda ugu dadka badan dunida qiyaasteeda.

Jaziiradda oo loogu yeero Iron Clad Island ee Migingo waxay leedahay taariikh aan aad u caddayn. Marka loo eego tirsiyada qaar, waxaa asalkeeda deegaan ahaan ugu noolaa laba kalluumaysato Kenyaati ah oo lagu kala magacaabo Dalmas Tembo iyo George Kibebe kuwaas oo halkan yimid sanadkii 1991 – aas’aaskana u dhigay bulshada maanta ku nool Jaziiradda.

Qaar kale ayaa sheega in qofkii ugu horreeyey ee halkan yimaada uu ahaa Ugandan lagu magacaabo Joseph Unsubuga oo markii danbana kusoo dhaweeyey jaallayaashiisa kalluumaysatada ah. Waana gudaha labadan sheeko oo is diidan kuwa mar mar sababay is-maandhaaf labada dal ee Kenya iyo Uganda ku dhex maray lahaanshaha jaziiradda hodanka ku ah kalluunka iyo kheyraadka kale.

Migingo waxay rasmi ahaan dhacdaa seeraha xuduudda Kenya, hayeeshe dowladda Yugaandha ayaa sheegata in muwaadiniinteedu ka kalluumaystaan xadkooda – oo sida cad 500 mitir ka baxsan biyaheeda.

Loo yaqaan ‘Dagaalkii ugu yaraa Afrika’, khilaafka ayaa sanadkii 2008-da gaaray bartii ugu kululeyd markii ciidamada militariga Yugaandha ay gudaha u galeen Migingo – barakiciyeenna kalluumaysatada Kenyaatiga ahaa. Cadaadiska u dhaxeeya ismaan-dhaafku wuu sii socday ilaa iyo sanadkii 2016-ka, markaas oo labada wadan ay gaareen heshiis. Waxay isku af-garteen inay ciidamo ilaaliya biyaha oo laba dal ah u yeelaan jaziiradda si ay uga hortagaan isku dhacyada ka dhalan kara muwaadiniinta labada dal.

Kalluumaysatada ka kala yimaada dalalka Tanzania, Kenya iyo Uganda ayaa ku midooba jillaabka biyaha ku hareeran Jaziiradda oo ku dhex taalla Harada Victoria.

Migingo-island Migingo-island2-600x333

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Isha: radiohimilo.so

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan