Jeenyo oo daafac cusub lasoo wareegtay

Kooxda kubadda cagta Jeenyo oo kamid ah kooxaha ugu itaalka roon kuwa ku hardama horyaalka dalkeena hooyo ee Soomaliya ayaa sameysay saxiixeedii u horeeyay ee xagaaga.

Daafacii hore ee kooxda Saxafi Daadir Salaad Cawaale ayaana si rasmi ah ugu biiray kooxda Jeenyo, iyadoo wiilka lanbarka shanaad u xiran jiray Saxafi uu noqonayo laacibkii u horeeyay oo xagaa dhammaadka ay lasoo wareegto Jeenyo.

Daadir Salaad ayaa rajeynaya inuu bandhig wacan kooxdan u sameyso marka uu kasoo muuqdo safka macallin Salaad Faarax Xasan xagaaga soo aadan 2016-2017.

Kooxaha ka dheela horyaalka heerka koowaad ayaana inta fasaxa horyaalka lagu gudo jiro isha la raacaya cayaartoy haldoor u noqon kara iyagoo wada kalluumeysii ay ku ugaarsanayaan cayaartoy xirfad iyo tayo sare leh.

error: Copy lama Ogola Fadlan