Home / Habka-Nolosha / Jeenyo oo u awood sheegatay dhigeeda Saxafi

Jeenyo oo u awood sheegatay dhigeeda Saxafi

Kooxda kubadda cagta Jeenyo ayaa kulan xiiso badan ka hortagtay dhigeeda Saxafi oo ay ku wada kulmeen gegada Banaadir Stadium ee degmada Cabdi Casiis.

Kooxda Jeenyo ayaa loolan ugu jirta hanashada horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta, halka Saxafi ay carar ka joogto inay booska labaad u dhacdo xagaaga soo aadan.

Qeybtii hore ee cayaarta waxaa lagu kala maray barbaro goolal la’aan ah oo labada kooxood ay ku kala baxeen, walow dhowr fursadood la isku sigay.

Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay, cayaarta waxaa badi maamuleysay kooxda Jeenyo oo u muuqatay mid ka adag dhigeeda Saxafi.

Daqiiqaddii 68aad, weeraryahanka Jeenyo Feysal Xasan Xaashi ayaa shabaqa soo taabtay, si kooxdiisu ay hogaanka ugu hormarto.

Cayaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 oo guushu ay ku raacday kooxda Jeenyo oo iminka ku si idhowaaneysa Banaadir SC.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan