Himilo – Angela Merkel, hogaamiyaha Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in dalkaasi uu gali doono xayiraad guud oo billaaban doonta arbacada todobaadkan, si loola dagaalamo cudurka aafada ah ee Covid-19.
Dugsiyada, Baararka, Maqaayadaha iyo Dukaamada aanan iibin waxyaabaha muhiimka ah ayaa xirnaan doono illaa laga gaaraya 10-ka bisha ina soo aadanee Janaayo. Waxaase furnaan doona bankiyada iyo dukaamada iibiya cunnooyinka bisil.
Merkel, ayaa go’aankaasi shaacisay kaddib kulan ay la qaadatay madaxda 16-ka gobolka ee uu ka gooban yahay Jarmalku, iyada oo sheegtay in loo baahan yahay in si deg-deg ah loo qaado tillaabo.
Dalka Jarmalka waxaa maalmihii ina dhaafay laga soo warinayay kiisas dhimasho, waxaana tirkoobkii ugu danbeeyay uu muujinayaa in dad ka badan 2,200 ay qaateen feyruska, taas oo tiradada guud ka dhigeysa 1.3 milyan oo ruux. Dhimashaduna korortay oo gaartay 21,787, halka ay markii hore ka ahayd 21,466, sida uu shaaciyay machadka Robert Koch.
Xayiraadda lasoo rogay waxaa lagu mamnuucay sidoo kale qabashada munaasibadaha, sida kuwa lagu wayneynaya sanadka cusub.