Himilo – Magaciisu waa Magawa, doolliga noociisa ku nool Africa, kaas oo leh dareen Ur oo u gaar ah oo uu ku garan karo miinooyinka lagu aaso dhulka iyo walxaha kale ee qarxa.
Tan iyo markii la carbiyay, waxa uu soo saaray 39 miinada dhulka lagu aaso ah iyo 28 walxo kale oo aanan wali qarxin.
Waxa uu ku guuleystay Magawa inuu nadiifiyo dhul cabir ahaan ka wayn 141-kun mitir laba jibbaaran oo ku yaalla dalka Cambodia.
Koox u ole-oleeysa daryeelka xayawaanada oo magacooda loosoo gaabiyo PDSA, ayaa aqoonsatay dedaalka Magawa, iyada oo guddoonsiisay bildad geesinimo oo ka sameysan dahab.
Billadaasi ayaa abaal marin kaga dhigan hay’addii tababartay, taas oo ku carbisa doolliyada urinta Miinooyinka iyo xanuunka Tiibishada.