Home / Habka-Nolosha / Jilaaga caawiya ardayda saboolka ah

Jilaaga caawiya ardayda saboolka ah

Himilo – Waxa uu ahaa muuqaal koobnaa oo soconayay sagaal ilbiriqsi, kaas oo gabar yar ay ku dalbaneysay in lagu caawiyo mobile ay kaga qeyb gasho xiisadaha dugsiga waxa ku xanbaaray jilaaga Boolywood-ka ee Sonu Sood inuu noqdo samafale, sida uu baahiyay wargeyska times of India.

Waxa uu daawadayay muuqaalka gabadha yar ee ku nool magaalada soohdinta ku dhaw ee Fozilka ee dalka Hindiya, markaasi oo seddax cisho kaddib isaga kaashanaya saxiibkiis ganacsadaha ah ee Karan Gilhotra uu u hadiyo guddoonsiiyay arday ay ku jirto gabadha yar ee muuqaalka duubtay ee dhigata fasalka lixaad.

13 taleefano kuwa gacan ku qaadka ah ayuu gaarsiiyay isaga oo sii marinay hay’ad caawisa dan-yarta oo ka howlgasha xaafadda Fozilka ee dalka India.

Sonu iyo wadaaygiis Gilhotra waxey si joogta ah u caawiyaan dadka saboolka ah, 12-kii bishan ayey ahayd markii Anand Jain oo 24-jir ah uu muuqaal uu ku dalbanayo saacidaad soo dhigay Twitter.

Jilaaga oo fariin u diray ayaa u sheegay in mobile-lada uu codsaday ay kusoo jiraan wadada ee kaliya uu dulqaato seddax cisho.

Waxbarashada la marinayo mareegaha internet-ka ayaa caqabad aysan ku gudbi Karin ku ah arday badan oo reer India, kuwaas oo ku nool degaanada fog fog. Si mushkiladaasi ay kaga gudbaan ayaa qaarkood waxey codsiyo mariyaan baraha bulshada, iyaga oo rajeynaya inay helaan cid uga soo warcelisa.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan