Home / Cayaaro / Joan Laporta: “Neymar wuxuu doonayay inuu Barcelona ku soo laabto xagaagan”

Joan Laporta: “Neymar wuxuu doonayay inuu Barcelona ku soo laabto xagaagan”

Himilo – Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa sheegay in Neymar uu aad u jeclaa inuu ku soo laabto kooxda xagaagan, ka hor inta uusan Lionel Messi kula biirin Paris Saint-Germain.

Ka dib afar sannadood oo guulo waaweyn ah oo uu ka garab ciyaaray Messi Camp Nou, xiddiga reer Brazil ayaa go’aansaday inuu ka tago kooxda La Liga sannadkii 2017 kuna biiro PSG lacag rikoorka adduunka ah oo ah 198 milyan oo ginni.

Laporta ayaa tan iyo markaas xaqiijiyay in Barca ay raadineysay inay dib ula soo saxiixato 29 jirkaan, kaasoo xiriir la lahaa kooxda intii lagu jiray bilowgii suuqan xagaaga.

“Waxaan isku daynay inaan la soo wareegno Neymar, waxay u muuqatay saxiix xiiso leh, wuu la soo xiriiray, wuxuu ku waashay imaatinka,” Laporta ayaa u sheegay TV -ga Catalan TV3.

“Si kale ayaan u fasirnay ciyaar wanaagga, haddii aan ogaan lahayn dhammaan sharciyada [La Liga], ma aanan soo bandhigeen dalabkaas”.

Neymar, oo hadda ku maqan waajibaadka caalamiga ah, ayaa guud ahaan Barcelona u saftay 186 kulan tartammada oo dhan, isagoo u dhaliyay 105 gool, isla markaana caawiyey 76 kale.

Xiddiga reer Brazil ayaa sidoo kale ku guuleystay labo horyaal oo La Liga ah, seddex Copa del Reys iyo sidoo kale inuu qaaday koobka Champions League 2014-15.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan