Home / Habka-Nolosha / Joe: Kaddib muddo uu shaqo la’aan ahaa waxa uu ku guulleystay bakhtiyaal-nasiib
"A lottery player has scratched a winning ticket which rests on a dollar bill background. The 7 in the Winning Number box matches the 7 mid-frame, resulting in a $1.00 win.A related image from my portfolio:aA"

Joe: Kaddib muddo uu shaqo la’aan ahaa waxa uu ku guulleystay bakhtiyaal-nasiib

Himilo – Joe Camp waxa uu ka shaqeynayay dugsi ku yaala gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka, halkaasi oo uu caruurta wax ku bari jiray muddo ka badan labaatan sano ah.

Si looga samata-baxdo mushkiladda dhaqaale ee ka dhalatay cudurka covid-19, ayaa waxey ku qasbanaadeen dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahayba in shaqada ay ka eryaan kumanaan shaqaale ah, macallin Camp waxa uu ka mid noqday dadkaasi bishii September ee sanadkan.

Waa uu niyad jabay, isaga oo ka welwelsan xaaladdiisa shaqo la’aan, ayuu maalin tijaabiyay bakhtiyaal nasiib, bal si uu u helo dhaqaale uu ku samatabaxo. Guul-darrooyin dhowr ah kaddib, Camp waxa uu ugu danbeytii ku guulleystay bakhtiyaal-nasiib lacageed oo gaareysa $250,000.

“Waxaan ku dhisi doona lacagtaan ku guulleystay mustaqbalka gabadheyda,” ayuu Camp u sheegay Foxs23 isaga oo faraxsan. Waxa uu sii raaciyay “Waxaan doonayaa inaan iibsado guri si ay u degaan qoyskeyga,”

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan