Home / Madadaalo / Jones: Ninkii ka samatabaxay Seddaxda halis!!!

Jones: Ninkii ka samatabaxay Seddaxda halis!!!

Himilo – Ian Jones oo ah samafale u dhashay Britain, ayaa dhawaan laga saaray isbitaalka magaalada Jodhpur ee dalka India, kaddib markii uu ka bogsaday qaniinyada maska halista badan ee Kobra, kaas oo qaniinay xilli uu ku sugnaa Rajasthan.

“Jones waxa uu inoo yimid isaga oo uu qaniinay mas, wuu miir qabay waxaase ka muuqanayay qaniinyadii maska socodkuna wuu ku adkaa” ayuu u sheegay AFP Dr Abhishek Tater, kaas oo dabiibay Ian Jones.

Waxa u raaciyay inuu hadda ka samatabaxay qaniinyada mas, balse xaaladdiisa la indho-indheyn doonto. Dunida oo dhan sanadkii waxaa qaniinyada masaska u geeriyooda dad ku dhaw 125,000 oo ruux.

Samafalahan Britain u dhashay waxa uu horey kaga bogsada xanuunka dengue fever, kaas oo ay u dhintaan boqolkiiba hal, halka meelaha qaarna ay u geeriyoodaan 20% dadka uu asiibo.

Waxa uu sidoo kale ka bogsaday cudurka Malaariyada oo sanadkii ay ugu geeriyoodaan India dad u dhaxeeya 19,500–20,000 qof, sida ku dhigan xogta WHO. Xanuunka Covid-19 ayuu Ian Jones kasoo bogsaday dhawaan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan