Home / Madadaalo / Joog kaba ah maku iibsan lahayd hal milyan oo doolar?

Joog kaba ah maku iibsan lahayd hal milyan oo doolar?

Himilo – Kabahan oo naqshad gaar ah leh sameyntoodana ay iska kaashadeen shirkadda soo saarta qalabka ciyaaraha ee Adidas iyo tan Jarmalka laga leeyahay ee Meissen, ayaa noqon doona kabihii ugu qaalisanaa ee jaadkooda ah ee ebad la iibiyo, sida uu sheegay hooyga beec geynta badeecada ee Sotheby’s.

Kobahan oo yara shabaha kuwa ay xirtaan oradyahanada ciyaaraha athletic-ka, waxaa iibintooda la billaabi doonaa 16-ka December oo ku beegan isniinta danbe, markaas oo ruuxu ka iibsan karo mareegaha internet-ka.

Waxey booska kobaha ugu qaalisan ka saari doonaan Jordan Brand oo ay naqshadeeysay Nike – Shirkad kale oo soo saarta funaanadaha, Kabaha iyo qalabyada kale ee ciyaarha –, kuwaas oo lagu iibiyay $615,000 bartamihii August.

AFP oo sheekadan daabacday ayaa rumeysan in kabahan ay soo jiidan doonaan maal-qabeenno badan oo ay suuq fiican u yeeli doonaan kubaha ciyaaraha ee kala jaadka ah.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan