Home / Cayaaro / Joogitaankii Ronaldo ee Courmayeur oo muran dhaliyay

Joogitaankii Ronaldo ee Courmayeur oo muran dhaliyay

Himilo – Cristaino Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa in la qabtay isaga oo deggan huteel si rasmi ah u xidhan, isaga oo u hoggaansami waayey xayiraadaha uu ka gudbay xuduudaha si uu laba maalmood barafka ugu qaato.

Il Corriere dello Sport ayaa sheegeysa in Ronaldo iyo Georgina ay ka dhaga adeegeen sharciyada ka dhanka ah COVID si ay ugu dabaal degto sanadguuradeeda 27aad iyagoo ka gudbay xuduudaha u dhexeeya Piedmont iyo Valle D’Aosta.

Ronaldo looma yeerin kulankii Coppa Italia ee ay la ciyaareen SPAL, halkaasoo Juventus ay 4-0 kaga badisay kooxda Serie B.

Waxaa lagu soo warramayaa inuu qaatay fursad uu laba maalmood ku qaadan lahaa barafka aagga Val Veny, sida uu wargeysku sheegayna, isaga iyo Georgina waxay ku noqdeen Courmayeur, halkaasoo ay ku dabaaldegtay sanadkii hore, waxayna deggenaayeen hudheel si rasmi ah u xidhan.

Wargeysku wuxuu sheegayaa in labadan oo sidoo kale la sheegay inay ku riyaaqeen raacitaanka barafka, aan la ganaaxin, laakiin waxaa shaaca ka qaaday fiidiyoow baraha bulshada la dhigay oo isla markiiba laga  dejiyey.

Labadaba Ronaldo iyo Rodriguez ayaa haatan ku laabtay Turin ka dib joogitaankoodii halkaas. Laakiin beiN Sports ayaa haatan soo warineysa in masuuliyiintu ay baarayaan Ronaldo ka dib safarkii Courmayer.

Ganaaxa uu wajahayo Ronaldo ayaa ah € 400 (£ 354), taas oo la mid ah tii uu xiddigii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ee Ronaldo uu ku sameeyo 7 daqiiqo gudahood sida ku cad qandaraaskiisa Juventus ee sanadkii £ 26m (€ 30m).

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan