Home / Macluumaad / Joogteynta cabidda Kofeega oo kahor tagta noocyo kamid ah Kansarka

Joogteynta cabidda Kofeega oo kahor tagta noocyo kamid ah Kansarka

Sida ay baahisay hey’adda QM u qaabilsan caafimaadka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO u cabista Kofeega si joogto ah ayaa kahor tagta Kansarka ku dhaca beerka iyo kan beegsada uur ku jirta.

IARC oo WHO u qaabilsan baaridda Kansarka ayaa sidoo kale burisay cilmi baaris ay sameysay 1991-dii oo ay ku sheegeen kolkaa in Kansarka kaadi-heysta ku dhaca laga dhaxlo cabista Kofeega oo joogto loo isticmaalo.

Go’aan bedelka ayaa yimid kaddib 500 oo tijaabooyiin cilmi baariseed oo lagu sameeyay xiriirka ka dhaxeexa xanuunka Kansarka iyo cabitaanada kulul sida Shaaha iyo Kofeega.

Madaxa Guddiga Qaran ee Kofeega Bill Murray ayaa baaristaan cusub natiijadeeda si weyn u soo dhoweeyay.

Dr Christopher Wild oo ah madaxa IARC ayaase sheegay in dadka u caba cabitaanada kulul sida joogtada ah ay iska qaboojiyaan intii ay kuleylka ku cabi lahaayeen, siiba goorta aan caanaha lagu darin.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan