Home / Cayaaro / Jordi Alba oo Barcelona u saxiixaya heshiis cusub

Jordi Alba oo Barcelona u saxiixaya heshiis cusub

Himilo FM – Daafaca Barcelona Jordi Alba ayaa kooxdiisa u saxiixaya heshiis cusub oo afar sanno ah oo uu ku sii joogayo garoonka Camp Nou illaa sannadka 2023.

Laacibka reer Spain ayaa kamid ah dooqyada koowaad ee Blaugrana tan iyo markii uu kaga soo biiray naadiga Valencia sanadii 2012, waxa uu camaaliqada kula guuleystay afar La Liga ah iyo Champions League.

29 jirkan ayaa kamid ah daafacyada garabka biddix ee qaaradda Yurub isaga oo sidoo kale kamid ah xiddigaha ugu sarreeya kooxda Barcelona,waxa uu ku lug yeeshay hal gool iyo afar caawin,17 kulan oo uu ka soo muuqday horyaalka La Liga.

Sida laga soo xigtay Gianluca Di Marzio, kooxda heysata horyaalka Spain ayaa haatan lagu wadaa inay ku abaal mariso heeshiis cusub kaddib 200 kulan oo uu u saftay naadiga Barcelona,waxaana qandaraaskiisa uu ku kacayaa 9 milyan oo ginni sannadkii kaddib markii ay wadahadal  la galeen daafaca.

Sida uu qoray wargeyska Marca kaddib markii Barcelona ay 2-0 kaga badisay Celta Vigo Sabtidii, Alba ayaa saxaafadda la wadaagay in uu doonayo in heshiiska loo kordhiyo isagoo ka hadlaya arrimahaasi waxa uu yiri”Ma ahan mid ku xiran aniga maadaama ay sidoo kale ku xiran tahay kooxda.”

Waa uu sii hadlay “Marka aan u saxiixo Barcelona, ma ahan wax lacag ah, waxaan halkaan ku joogaa dareen, maxaa yeelay waa gurigeyga.”

 

 

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan