Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ka tagay Napoli si uu ugu biiro Stamford Bridge 2018, tan iyo markaas wuxuu u saftay 207 kulan tartamada oo dhan, isagoo dhaliyay 29 gool.
Jorginho ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray Champions League iyo Europa League oo uu ku guuleystay waqtigiisii kooxda, isagoo u saftay 12 kulan wadada guusha tartamada ugu sareysa Yurub ee 2020-21.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu si joogta ah uga hoos ciyaarayo Graham Potter xilli ciyaareedkan, xiddiga heerka caalami ee dalka Italy ayaa haatan qarka u saaran inuu ka tago Blues xagaaga.
In ka badan lix bilood ayaa ka harsan qandaraaska 31 jirkaan mana cadda in milkiilayaasha cusub ee kooxda ay qorsheynayaan inay cusbooneysiiyaan iyo in kale.