Home / Cayaaro / Jose Mourinho oo aan hubin dhaqaalaha kooxda ee suuqa bisha Janaayo.

Jose Mourinho oo aan hubin dhaqaalaha kooxda ee suuqa bisha Janaayo.

Himilo FM – Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa qirtay in uusan oggeyn haddii kooxdiisa ay dib ugu soo laaban doonto suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Mourinho ayaa ka carreysnaa kharashka lagu bixiyay suuqii lasoo dhaafay gaar ahaan iyagoo seegay bartilmaameedyo u badan daafac.

Daafaca dhexe ayaa la fahamsan yahay in uu yahay dooqa koowaad ee ugu sarreeyo liiska musharaxiinta Mourinho ee bisha soo socota, iyadoo warar kala duwan sheegayaan in dalab rikoor ah ku dalbanayaan Kalidou Koulibaly laakiin tababaraha reer Portugal ayaa qirtay in uusan oggeyn haddii uu waji cusub imaanayo garoonka Old Trafford.

“Ma aqaano haddii aan dooneyno inaan ciyaaryahano cusub soo bandhigno – waan jeclaan lahaa – laakiin ma garanayo haddii ay macquul tahay ama aysan aheyn, taasi waxay ku xiran tahay kooxda,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

Wuu sii hadlay Mourinho “Si daacadnimo ah, waxaan diirada saarayaa shaqadeyda kulanka aan la ciyaareyno Liverpool iyo toddobaadka soo aadan oo aan wajaheyno Cardiff, waxaan diiradda saari doonnaa taasi.”

United ayaa caawa la ciyaari doonta Liverpool iyadoo raadineysa inay guuldaradii ugu horreysay ee xilli ciyaareedkaan ku dhandhansiiso Anfield kooxda martida loo yahay ee Reds.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan