Jose Mourinho oo ku biiraya PSG

Himilo – Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho haddana maamula Kooxda Roma ee Waddanka Talyaaniga  ayaa la sheegayaa in uu ku wajahanyahay Horyaalka League 1ka Frnace.

Madaxda PSG ayaa quudarreynaya in ay ceyriyaan  Mauricio Pochettino, ka horse waxaa ay doonayaan in ay helaan macalin saameyn leh oo wax ka beddeli kara Kooxda Reer France.

Jose ayaa qandaraaskiisa Roma waxaa ka dhiman laba sano oo dheeraad ah, waxaaa suuragal ah in uu aqbalo dalabka uga imanaya kooxda France ka ciyaarta ee PSG.

Waxaa uu noqday tababarihii ugu horreeyay eek u guuleystay Europe Conference League oo uu Roma u qaaday sanadkan taas oo aan in ku dhow afartan sano qaadin koob heer qaaradeed ah.

Roma ayaa rajeyneysa in ay ku dhagto jose,waase Nin go’aan adag marka loo eego tababarayaasha kale ee leyliya kooxaha qaaradda Europe.

Waxaa uu dhowr jeer tababare ka noqday Horyaalka Ingiriiska oo uu maamulay Kooxaha Chelsea, Man United iyo Tottenhan, Talyaaniga waa markiisii 2aad waxaana uu 2010 Champions league u qaaday kooxda Inter Milan, halka Real Madridoo Spain ka ciyaartana uu soo maamulay.

Haddii ay dhacdo in uu ku biiro PSG waxa ay ka dhigantahay in uu maamulay afar ka mid ah 5ta horyaal ee loogu daawashada badan yahay qaaradda Europe.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan