Muqdisho – Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa shaaca ka qaaday in “albaabka mar walba u furanayahay ” tababare Pep Guardiola si uu ugu laabto kooxda.
Guardiola ayaa afar sanno ku qaatay maamulida Barcelona intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2012, wuxuu kooxda ku hoggaamiyay 14 koob oo ay ku jiraan labo Champions League.
Ninka reer Spain ayaa tan markaa u wareegay Bayern Munich iyo Manchester City, halkaas oo uu kasii waday ku guulaysigiisa Koobabka , laakiin waxa uu sheegay inuu doonayo inuu mustaqbalkiisa maamule-nimo ku dhameysan doono akadeemiga Barcelona ee La Masia – fikradiisa Bartomeu ayaa ku faraxsan.
“Waxaan aqriyay maalmo ka hor markii uu qorsheynayay inuu mustaqbalka ku soo laabto Barcelona, waxaana laga yaabaa inuu tababare u noqdo La Masia, waxaan u maleynayaa inuu war wanaagsan u yahay kooxdeena taas oo uu sameyn karo hal maalin” ayuu Bartomeu u sheegay The Times.
“Wuu ogyahay inuu albaabka mar walba u furan yahay isaga , xitaa markii uu noo sheegay inuu doonayo inuu baxo sannadkii 2012, waxaan kula talineynay inuu tababare ka noqdo La Masia, waxaana uu doorbidayay nasasho nadiif ah, cidna uma sheegin inuu ka tagayo Barcelona. Waxa uu ku soo laaban karaa mustaqbalka, wuu ogyahay tan.
Guardiola ayaa sidoo kale inta badan ku qaatay kubada cagta Barcelona, waxa uu ku biiray isagoo da ‘yar ah sanadkii 1984kii balse ugu dambeyntii ka tagay 2001.