Muqdisho – Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay in kooxdiisa ay u furan tahay inay lasoo saxiixato daafac dhexe marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa lagu soo waramayaa inay suuqa ugu jirto daafaca dambeedka dhexe sababo la xiriira xaqiiqda ah in Samuel Umtiti iyo Thomas Vermaelen ay labadoodaba dhaawac ku maqan yihiin.
Laacibka Ajax Matthijs de Bortt, Tottenham Hotspur xiddeeda Toby Alderweireld iyo laacibka kooxda Zenit St Petersburg Branislav Ivanovic ayaa dhamaantood lala xiriirinayay xilli ciyaareedka cusub ee Camp Nou.
Dhanka kale, xiddiga Liverpool Dejan Lovren ayaa ah magaca ugu dambeeya ee lala xiriirinayo kooxda reer Catalan.
Bartomeu ayaa qiray in daacafa Barca uu yahay mid “qafiifsan” sababtoo ah dhaawacyada ay qaban Umtiti iyo Vermaelen, waxaana uu sheegay in ciyaaryahan cusub uu imaan karo xagaaga suuqa kala iibsiga.
“hagaag, dhaawacyada ayaa dhaca waqtiga oo dhan kubadda cagta,waa inaad adigu wax ka qabataa. Labadan daafac waxaa soo gaaray dhaawac,sidaa darteed waxaan hadda ku jirnaa xaalad aan wanaagsaneyn, ” ayuu Bartomeu Goal.com
“Gerard Pique iyo Clement Lenglet ayaa labadoodaba diyaar u ah,si ay u buuxiyaan maqnaashiyaha laacibiintan. islamarkaana.waxaan indhaha ku heynaa in aan lasoo saxiixano xiddigo cusub marka uu furmo suuqa bisha January, Dhaawacyada ayaa sidoo kale u ogolaanaya ciyaartoyda yaryar in ay ciyaaraan si ay u muujiyaan awoodooda ciyaareed. ”
Barcelona ayaa Cam Nou kusoo dhaweyn doonta kooxda Sevilla horyaalka La Liga habeenka sabtida.