Himilo FM –Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay ku dhawaaqdo saxiixa weeraryahanka Eintracht Frankfurt Luka Jovic toddobaadkan.
Kooxda reer Spain ayaa u baahan xagaagan is diyaarin wayn kaddib xilli ciyaareedkii 2018-19 markii ay ku soo afjartay guuldarradii 2-0 ee ka soo gaartay Real Betis axaddii.
Iyadoo horay ula soo wareegtay Eder Militao iyo Rodrygo oo ka kala yimid FC Porto iyo Santos, Don Balon ayaa sheegaysa in heshiiska haatan uu yaallo Frankfurt taasoo ku dooneyso xiddiga khadka dhexe ee Jovic qiimo sarre.
Madaxwaynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa lagu soo waramayaa inuu £ 57M ku iibsanayo xiddiga reer Serbia, kaasoo dhaliyay 17 gool 32 kulan oo uu saftay Bundesliga xilli ciyaareedkan.
Warbixinta ayaa muujineysa in ku dhawaaqitaanka heshiiska uu dhaw yahay, taasoo Los Blancos u suura galinaysa inay iskaga haraan doonista xiddigaha diiradda u saaran ee Eden Hazard iyo Paul Pogba.