Home / Habka-Nolosha / Jubaland oo u awood sheegatay Galmudug + Sawirro

Jubaland oo u awood sheegatay Galmudug + Sawirro

Xulka Galmudug ayaa kulankiisii u horeeyay cayaaraha gobollada dalka galabta kahor tegay dhigooda Jubaland oo koodii labaad ay u aheyd.

Wiilasha Galmudug oo dhaqdhaqaaqoodi wanaagsanaa ayaa hogaanka cayaarta qabtay daqiiqaddii 11aad markii uu shabaqa gaaray Cabdishakir Xassan Cabdullaahi.

Saddex daqiiqo kaddib goolka barbaraha ayay la yimideen cayaartoyda Jubaland oo markan gool ka helay Axmed Cumar Cali.

Qeybtii koowaad ayaa lagu kala maray barbaraha gool iyo goolka ah, iyadoo labada xul ay indhaha ku hayeen in kulankaan ay dhibco ka helaan.

Kubbad laad xor ah oo ay heleen Jubaland daqiiqaddii 48aad ee qeybtii labaad waxaa gool u rogay Fu’ad Axmed Cali.

Cayaarta oo 2-1 taagan, wiilasha Galmudug weeraro isdaba joog ah oo ay qaadeen waxay ku muteysteen gool ku laad loo dhigay oo cayaarta ku soo celin kartay, waxaase ka qasaariyay oo birta garaacay Cabdiraxmaan Caamir Cabdi.

Nasiib darro ayay u aheyd inay ku qasaareen, cayaartana waxay ku dhammaatay guul ay gaareen wiilasha ugu guulaha badan tartankan ee Jubba oo horaan cayaaraha gobollada dalka ku guuleystay lix goor.

4g

1g

5g

3g

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan