Home / Cayaaro / Juventus iyo PSG oo tartan la galaya kooxda Man Utd

Juventus iyo PSG oo tartan la galaya kooxda Man Utd

Himilo FM –Manchester United ayaa kala kulmi doonto Juventus iyo Paris Saint-Germain tartan ku aadan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes.

Red Devils ayaa la rumeysan yahay inay soo bandhigtay xiddiga reer Portugal kaasi oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 86 milyan oo ginni.

United ayaan kali ku aheyn xiisaha Fernandes loo hayo madaama xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal uu qaab ciyaareed cajiib ah sameeyay xilli ciyaareedkan, 28 gool ayuu dhaliyay tartamada oo dhan – taasi ayaa keentay in Juve iyo PSG ay ku biiraan tartanka saxiixiisa.

Warsidaha  Portugal kasoo baxa ee A Bola ayaa ku waramaya in kooxda reer Yurub ay sidoo kale isha ku heyso 24 jirkan qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

Fernandes oo 28 gool ka dhaliyay khadka dhexe ayaa jabiyay rikoorka uu dhigay halyeeygii Chelsea ee Frank Lampard 2009-10.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan