Home / Cayaaro / Juventus oo hammigeedu yahay inay si xor ah ku helaan Matic

Juventus oo hammigeedu yahay inay si xor ah ku helaan Matic

Himilo- Kooxda Juventus ayaa rajeyneysa inay si xor ah kula soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Nemanja Matic dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia ayaa ku fashilmay  xulashada Old Trafford, waxaana la rumeysan yahay in loo soo bandhigay Inter iyo AC Milan isbuucyadii u danbeeyay.

Qandaraaska haatan Matic ee uu ku joogo Old Trafford ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan laakiin United ayaa weli sii heysa ikhtiyaar ay ugu kordhineyso qandaraaskiisa sannad kale.

Sikastaba, The Sun ayaa sheegeysa in Juventus, oo la soo saxiixatay labada xiddig ee Aaron Ramsey iyo Adrien Rabiot xagaagii, uu hadafkeedu yahay inay heshiis la gaaraan ciyaaryahankii hore ee Benfica kadib markii ay waayeen Paul Pogba.

Matic, oo sameeyay billowgiisii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka ayaa wajahay Leicester shalay, waxa uu u saftay 89 kulan United tan iyo markii uu kaga soo biiray Chelsea 2017.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan