Himilo – Juventus ayaa la werinayaa in ay Roma kaga sarreeyaan tartanka loogu jiro saxiixa Emerson Palmieri oo ka tirsan Chelsea kaasi oo ay doonayaan soo qaadashadiisa bisha Janaayo.
Laacibka qaranka Italy ayaa u baahnaa ka dhaqaaqista Stamford Bridge xagaagan, laakiin ugu danbeyntii ma aysan suura gelin in uu dib ugu laabto Serie A.
Emerson ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac ku aadan qaab ciyaareedkiisa Chelsea, taas oo keentay inuusan kasoo muuqan Premier League fasalkan, keliya marka laga reebo ciyaartii uu EFL Cup ku wajahay Barnsley.
Calciomercato waxay ku warrameysaa in 26-jirkaan uu dalab kaga imaanayo Juventus oo hadda diyaar u ah sidii ay ku keeni lahaayeen Italy.