Home / Habka-Nolosha / Juventus oo sameysay rikoor cusub

Juventus oo sameysay rikoor cusub

Muqdisho – Kooxda lagu naaneyso Marwada Duqda ee Juventus ayaa sameysay rikoor cusub kaddib markii ay noqotay kooxdii ugu horreysay ee Italian ah ee 26 kulan oo xiriir ah ku guuleysata gurigeeda.

Wiilasha macalin Massimiliano Allegri ayaa guusha ku hor luxa taageerayaashooda ciyaar kasta oo ay ku ciyaareen garoonkooda Juventus Stadium taniyo September 2015.

Waxay kulankooda danbe 3-0 ku suldaareen kooxda Bologna.

Guushan danbe kaliya uma fududeyn Juventus inay afar dhibcood kor uga kacdo kooxda kusoo xigta ee Roma, hayeeshe waxay rikoor cusub u noqotay taariikhda kooxda – xilli ay ku socdaan inay markii lixaad ruxaan koobka Scudetto.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan