Himilo – Hayan Tree oo ah muuqaal duube ka xamaasha barta xiriirka bulshada ee Youtube, ayaa la kulmay dhaleeceenno xoogan markii falcelin uu ka bixiyay cuno ay qasabtay in albaabada la isugu dhufto maqaayad ku taalla wadanka Koofur Kuuriya.
Waxa uu bartiisa soo galiyay muqaal isaga oo dhadhaminaya cunto magaalada Daegu, markaas oo uu tilmaamay in cunnadu u dhadhameyso sida in lagu daray tu’ hore. Muqaalkiisaasi oo ku jiray laba saac oo kaliya waxaa daawatay in ka badan hal milyan oo ruux.
Waa la isla dhex qaaday, waxaa kordhay shakiga ah in maqaayaddu dib u isticmaasho cuntada soo harta. Waxaa faarujiyay dhammaan shaqaalihii, taasi oo soo dedejisay in ugu danbeyntii albaabada loo laabo.
Milkiilaha maqaayadda oo gal-dacwadeed ka gudbiyay kanaalka muuqaalada ee Hayan Tree, ayaa u sheegay warsidaha koreaherald in cuna-kariyayaashiisu marnaba isticmaalin cunto soo hartay, goobtuna ay leedahay kaamirado laga ogaan karo waxa saxda ah.
Marka laga soo tago saameynta taban ee uu muuqaalka la baahiyay ku yeeshay Maqaayadda waxa uu sidoo kale saameeyay Hayan Tree qudhiisa, isaga oo ku waayay boqolaal ruux oo ku xirnaa bartiisa Youtube-ka. Qaladka ka dhacay waxa uu ka bixiyay raali galin, balse waa mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.