Home / Macluumaad / Kaalinta adeegsiga Bajaajta iyo aragtida bulshada

Kaalinta adeegsiga Bajaajta iyo aragtida bulshada

Muqdisho – Subax kasta markuu waagu dillaaco, jidadka degmooyinka iyo laaamiyada waaweyn ee caasimadda Muqdiso waxaad ku aragtaa tiro gaadiid yaryar oo saddax lugaley ah taas oo qaadi karta ugu yaraan saddax qofood iyo darawalka laguna magacaabo Bajaaj.

Waxaana awooday inay ku shaqeystaan kumaakun da’da u dhaxeysa 20-45 jir oo uu kamid yahay Maxamed Noor Sheikh Ali oo ku jira da’diisa 25-jir.

Hal-dhicista waayaha adag ee da’yar badani ku qabaan shaqo la’aanta ka jirta dalkooda, helidda Bajaajtu waxay jawaab u noqotay kobaca iyo socdaalka noloshooda. Kaalinta ay buuxiyeenna kama dahsoona.

“Runtii waxaan waxaa jira kala faa’iideysi muuqda oo innaga iyo bulshada naga dhaxeeya. Haddii ay noo baahdaan maku adka inay na heli waayaan: waayo waa shaqadeenna iyo danahooda waxa ka dhigay xiriirkeenna adeeg joogto ah,” ayuu u sheegay Radio Himilo, Noor Shiikh Maxamed oo ah xaas carruur leh isaga oo ku jira shaqo-maalmeedkiisa.

Adeegga uu sheegay Maxamed inay bulshada kusoo kordhiyeen waxaa si kal iyo laab ah u qirsan dhalinyarada kuwaas oo ku muujiyay xog-ururin ay sameeyey Himilo in 95% ku qancaan kaalinta ay Bajaajleydu usoo galeen.

Samiira iyo Xasna laduba ah da’yar wax-baranaya waxay qiyaas aan lagu koobin karin ereyo ku tilmaamayaan kaalinta Bajaajtu kusoo kordhisay.

“Wallaahi maba aqaan ereyo aan ku sheego kaalinta ay noogu jiraan: kaliya waxaan ogahay inaan si joogto ah ugu baahannahay,” ayay tiri Samiira oo kamid ah ardayda ku jira heerka jaamacadeed.

Xasna oo sidoo kale wax-barasho iyo shaqo isku wada ayaa intaas kusii dartay: “Runtii wax walbo oo aad maanta u baahan tahay inaad soo qabsato ma ahan waxa weyn ee aad ka walwalaysaa gaadiid aad raacdo sida waayadii hore – haddii aad lacagba heysato, Bajaaj waa u yeero oo kaliya.”

Buuxinta kaalinta muuqata ee ku aadan helitaankeeda degdegg ah, dad badan ayaa qaba inay Bajaajleydu kaliya ku eg yihiin u adeegga macmiilka taagan wadada. Balse sida ay Radio Himilo xog-ururinteeda kusoo heshay, badi dhalinyarada wax-baratay ayaa isku darsada lacago iyaga oo bil ama maalintiiba wada kireysta hal Bajaaj. Taas oo il kale u furtay howlaha Bajaajleyda.

Xasno oo heerka tacliinta sare ee jaamacadda ku jirta ayaa sheegaysa inay iyadu leedahay Bajaaj macmiil u ah oo ay u yeerato markay u baahato.

“Markii ay baahidadaydu noqotay xad-dhaaf ayay igu kalliftay inaan macmiil ii gaar ah oo bajaajle yeesho si markaan u baahdo aan ugu yeerto. Waayo waxay ii fududeyneysaa waqti iyo daaqad,” ayay sheegtay Xasno oo hadda subaxyada qaar gurigeeda kaga soo baxda bajaaj u kireysan.

Kahor, intaysan Bajaajtu imaanin Fardowso, ka shaqaale ahaan, waxay sheegtay inay ku dhibaneyd waqtiga dheer ee kaga luma baabuurta dadweynaha. Waxayna quudareynaysay xal u helidda mushkildaas. Hayeeshe helidda Bajaajtu waxay xalsiay qeyb ahaan mushkiladeeda.

“Wallaahi markii hore waqtiga badan ee iiga baxa saarnaanta baabuurta dadweynaha awgiis, waxaan ku warwari jiray sidii aan ku iibsan lahaa gaari ii gaar ah: hayeeshe helidda Bajaajtu waxay qeyb ahaan iga caawisay mushkiladdaas,” ayay tiri Fardowso oo intaas kusii dartay in – waloow ay hadda nafistay ay wali ka harin iibsiga gaariga.

Balse dhamaantood isku wada daroo, masuureystaan sida ay hadda noqon karto iyaga oo aan heysanin Bajaaj ay ku socdaan.

“Ma aqaan waddo kale oo aan adeegsado haddii maanta la waayo Bajaajta. Waayo nolosheenna ayaa ku jirnaatay,” ayay isku raaceen dhamaantood.

Ma ahan oo kaliya bulshada kuwo la dhacsan doorka Bajaata.

Aqoonyahanno badan sida Maxamed Abdullahi oo ah dhaqaanyahan kobaca dhaqan-dhaqaale ee ganacsiga iyo deegaanka ayaa qaba in Bajaajtu soo kordhisay kaalin caadyaal ah.

“Haa saameyn ayay soo kordhisay oo ay kow tahay inay dhalinyaradu shaqo heleen: qaarkood guursadeen; waxa kasii weyn in kuwo badan oo kamid ah ay kaga hareen tahriibta,” ayuu yiri Maxamed.

Balse aqoon-yahan Maxamed ayaysan ka dahsooneyn caqabadda ay Bajaajtu dhinacyada ku sidan karto.

“Caqabadaha jira ee ay soo kordhisay waa inay marka hore suuqa ka saartay taksiileydii iyaga kaga soo horreeyey suuqa; waayo waxay lacago badan oo ka bixi jiray jeebabka dad badan ay ku celisay keyd muuqda. Adeeggooda oo jaban awgeed, qof kasta oo nolosha ka taagan dabaqadda kasta oo nolosha kamid ah wuxuu doorbidaa inuu kireysto.”

Faalladisa waxay daba soctaa kororka tirada Bajaajyada ah ee la adeegsado oo maanta ku dhow in ka abdan 9000. Helidda jaangoyn isku dheeli-tirta tiro Bajaajyada iyo dabaqada dadka dhaqaale ahaan ku siman adeegsigeeda, waxay fursad siin kartaa doorka taksileydu inuu soo kobco, Balse inta laga helayo middaas, Bajaajleydu waxay noqonayaan isha kaliya ee si xoogan laoogu tiirsanaado adeegsigeeda.

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan