Home / Arrimaha Bulshada / Kaalinta xarumaha dawo dhireedka ee la dagaalanka cudurrada iyo dhaqan-gelinta

Kaalinta xarumaha dawo dhireedka ee la dagaalanka cudurrada iyo dhaqan-gelinta

Himilo – Xaruunta Al-Haaddii Herbal oo ku taalla Muqdisho islamarkaana ah xaruun caafimaad oo dadka ka daweysa guud ahaan cudurrada iyadoo adeeganaysa dawo dhireed ayaa billowday qaabilaadda bukaanada. xannuunada ay kaa daweyneyso waxaa ka mid ah; baabasiirka, romatiisimka, hammi yarida ragga, caado wareerka iyo dhamaan cudurrada noocyadooda kala duwan.

Adeegyada Al-Haaddii Herbal waxaa weheliya wacyi gelin iyo talooyin toosin ah oo loo sameeyo dadka ay balwadda qabatimay iyo kuwo ku kaca falalka ka baxsan anshaxa wanaagsan.

Xaruunta waxa xaadir ku ah culimo bukaanada qur’aan saar u sameeya. In ka badan 50 rag ah oo dhaqan celin u baahnaa ayay xaruntu horey u caawisay. Waxyaabaha kale ee Al-Haaddii herbal ay dadka u sameyso waxaa ka mid ah toobin lagu sameeyo koob yar caag/balaastik.

Xarunta ayaa dadweynaha  ku wargelineysa iney fursad u haystaan mareegta ama website-ka xaruunta oo ay kala xiriiri karaan wixii macluumaad ah.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan